Laftagareen iyo Qoor Qoor oo Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa gaaray magaalada Muqdisho , iyagoo qeyb ka ah dadaalada xalka loogu helayo khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa la sheegayaa inuu hadda Shir la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu ku biira shirkaasi.

Mar sii horreysay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay magaalada Muqdisho.

Lama ogo wixii ka so baxay shirkaasi uu Ra’iisul wasaaraha la yeeshay Beesha Caalamka.