Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay inuu qabatay cabasho lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA.

Dacwaddan ayaa la sheegay inay gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo horay uga tirsanayd hay’adda sirdoonka oo dhawaan la shaaciyay inay dhimmatay kadib markii la la’aa muddo laba bilood ka badan.

Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan TahliilMagacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:-

1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2-Yaasiin Farey
3-C/llaahi Aadan Kulane
4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad)
Hay’adda sirdoonka ayaa horay u sheegtay in Al Shabaab ay dishay Kraan, edeyntaasi oo Shabaabku ay ku gacan seyreen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii NISA Fahad Yasiin, taasoo ka careysiisay madaxweynaha. Khilaafkii arrintaasi ka dhashay ayaa saaameyn ballaaran ku yeeshay howlaha dowladda.