Miyey warbaahinta Qaranka la safatay ra’iisal wasaare Rooble?

Waxa ay u muuqataa in warbaahinta dowladda ay gebi ahaanba joojisay faafinta war saxaafadeedyada kasoo baxa xafiiska madaxweynaha, tan ayaa ka dambeysay markii boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka laga tiray warkii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu magacaabay taliyaha cusub ee nabad suggida.

Balse Radio Muqdisho iyo telefishinka Qaranka ayaa daabacay oo aan illaa hadda ka saarin qoraalka jawaabta ah ee ra’iisal wasaaraha.

Warbaahinta gudaha qaar ayaa tabinaysa in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray saraakiishii Villa Soomaaliya ee warfaafinta ee galaangalka u lahaa in ay wax soo galin karaan, balse ma jirto cid madax banaan ama labada dhinac ka tirsan oo arrintan qirtay.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin oo sanadihii dambe ahaa agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Xigasho:BBCSomali