AMISOM oo amniga doorashooyinka u tababartay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda.

Xubno ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa tababar ballaaran oo soconayay muddo  6 maalmood ah ku qaatay Xarunta Hawlgallada Wadajirka ee Banaadir, kaas oo ku saabsanaa sida loo sugi lahaa amniga doorashooyinka qaran ee dalka ka socda.45 sarkaal oo laga soo kala xulay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF), Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), ayaa qaatay  tababar ku aaddan baaritaannada dembi baarista iyo ilaalinta sirdoonka.

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ahna Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska, Augustine Magnus Kailie ayaa sheegay in AMISOM,  iyo la -hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeynayaan Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah si loo ilaaliyo amniga, daacadnimada iyo kalsoonida hannaanka doorashada.

“Xarumaha Hawlgallada Wadajirka ah  waxaa loo aasaasay si waafaqsan hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah ee bilayska ay hoggaaminayso sirdoonku, gaar ahaan sugidda hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo baahida loo qabo isku-duwidda qorshaynta iyo falanqaynta sirdoonka,” ayuu yiri Taliyaha Bilayska Kailie.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Yuusuf Cali Maxamed, ayaa sheegay in taageerada AMISOM ay Soomaaliya ku guuleysatay inay ka hirgeliso 12 Xarumood oo Wadajir ah oo lagu howlgalo guud ahaan dalka.

“Si ay doorashooyinkeennu u noqdaan kuwo xor ah oo lagu kalsoonaan karo, nabadgelyadu waa tan ugu muhiimsan. Doorashooyinka waxaan qaban karnaa oo kaliya markaan amniga