Afhayeenka Madaxtooyada: Waxaa weerar lagu yahay dadka iyo dowladda.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Xaashi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin ugu diray dad uu ku tilmaamay inay duulaan ku yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu dadkaas oo uusan sheegin kuwa ay yihiin ku tilmaamay inay faafinayaan been iyo dacaayad ka dhan ah dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay Soomaaliyada maanta inay ka duwan tahay tii hore, oo ay dadkeedu baraarugsan yihiin.

Ma cadda dadka uu ka hadlayo Soomaali iyo ajnebi waxay yihiin, ama xitaa shaqsiyaad ama dowladdo.

Laakiin waxaa weli Muqdisho ka taagan xiisada ka dhalatay khilaafka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.