Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka ka socda Baladweyne.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa baaq nabadeed loogu diray Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xaanshida uu soosaaray Wasiir Mukhtaar waxa uu ku muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS ay diyaar u tahay in ay dhigto gogol la isugu keenayo dhinacyada dagaalamay.

Odoyaasha dhaqaanka labada Beeleed iyo kuwa Deegaanka waxa uu usoo jeediyay in kaalintooda ay ka qaataan si loosoo afjaro xiisadda taagan sida lagu sheegay Qoraalka uu soosaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa Mustaqbal u sheegay in Odoyaasha Beelaha ay ku howlan yihiin dhexdhexaadinta maleeshiyaadka iska soo horjeeda, haddii ay gacan ka taagan ay u diyaariyeen ciidan awood u adeegsada.

24-kii saac lasoo dhaafay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaanka Kabxanley ee Gobolka Hiiraan waxaa ku dhintay ugu yaraan 5-ruux, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la gubay guryo ku yaalla Deegaankaas.