Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo Khasaare ka dhashay.

Shilkaan oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday Gaari rakaab ah oo ay saafnaayeen dad Shacab ah, waxaana joobjoogayaal sheegeen inay shilka ku dhinteen Saddex Ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Gaariga shilka galay ayaa ka tegay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isaga oo ku wajahnaa degmada Maxaas, waxaana dadka shilka ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Maxaas si loogu daaweeyo.

Shilalka gaari ayaa inta badan ka dhaca meelo badan oo kamid ah Soomaaliya, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa Milkiilayaasha ama wadayaasha Gaadiidka.