Madaafiic Hoobiyaal ah oo lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku ugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciudamada Puntland ee kusugan Saldhigga Af-urur ay dhankooda tiro madaafiic ah uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo dhankooda kuqoray Baraha Internet-ka ee taageera  warar ay ku sheegeen inay madaafiicda la heleen Gudaha Saldhiga, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

laamaha Amniga Gobolka Bari weli sirasmi ah ugama hadlin weerarka madaafiicda ah, balse waxaa xusid mudan in dhowr jeer weerar toos ah lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.