Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Magalada Kismaayo kulan kula yeeshay Madaxda Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta Magalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi ka socday urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen mashruuc sedex geesood ah oo ku saabsan maareynta dhulka islamarkaana laga fulin doono Dowlad Goboleedka Jubbaland, Ismaamulka Mandheera iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wafdiga uga mahad celiyay wadashaqyenta ay la leeyihiin Maamulka Jubbaland iyo mashaarcda ay ka fulinayaan degaannada Maamulkaas.