Madaxtooyada: Villa Somalia oo qaadday tillaabo ay dad badani la yaabeen!!!

Muqdisho:- Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa lagu martiqaaday kooxda Hayland ku guulaysatey koobkii Maamulka Puntland ee lagu qabtay Garoowe, kuwaasoo ay isla Madaxtooyadu ka dambeysey lacago badanna ku bixisay inay Muqdisho yimaadaan.

Yeelkeede, sida ku cad qoraal kasoo baxay Madaxtooyada waxaa dhacday arrin ay dad badani la yaabeen waana in Madaxtooyadu ay afkeeda ka ilaalisay magaca isla kooxdii ay iyagu casuumeen oo Xamar keeneen.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland,” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

”Madaxweynaha oo Xulka ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta tahriibka iyo qabyaaladda.” ayaa lagu xirey iyada oo aan marna la magac dhabin kooxda.

Maamulka Puntland laftiisa ayaa arrintaa qoraal uu kasoo saaray ku saluugey waxa dhacay.
Waxaa jirta 2 dhabbe oo u furnaa Villa Somalia:

1 – Inaysanba marka hore casuumin koox aysan doonayn inay magaceeda ku dhawaaqaan.

2 – In ay kooxda magaceeda xusaan balse ay raaciyaan inuu yahay magac gobol heer goboleed ah oo ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland, waayo inay DF sidaa u xusto kama dhigna inuu noqonayo gobol ka mid ah 18-ka gobol ee haatan jira.

WQ: Maxamed Xaaji