Midowga Musharixiinta oo Bayaan ay soo saareen ku sheegay in isbadal lagu sameeyo Hogaanka sare ee NISA.

 Midowga Musharaxiinta ayaa bayaan ay ka soo saareen dilka Ikraan Tahliil oo ay NISA ku sheegtay inay dileen Alshabaab, halka Alshabaabna uu beeniyay inuu ku lug lahaa dilkeeda.

Bayaan ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay ku sheegeen inaysan ku qancin qaabka loo baaray iyo sida loo soo bandhigay natiijada baaritaanka kiiska Ikraan.

“Golaha Midowga Musharaxiinta kuma qancin qaabka loo baaray iyo sida loo soo bandhigay natiijada baaritaanka kiiska Ikraan..” Ayey ku dhaheen bayaanka ay midowga soo saareen.

Golaha ayaa waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isbeddel deg-deg ah lku sameeyo hoggaanka sare ee Hay’ada Nabad sugida “si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.”