Maraykanka oo shaacinaya SIR CULUS oo uu sanado badan dunida ka qarinayey!!!.

Madaxweyne Biden ayaa amar ku bixiyay in la soo baahiyo qaar ka mid ah dukumiintiyada sirta ah ee laga helay baadhitaankii dowladda ee weeraradii kow iyo tobankii September – isagoo fulinaya ballanqaadkii ololaha doorashada. Waraaqaha sirahaas ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo lixda bilood ee soo socota.

“Markii aan u tartamayey Madaxweyne. Waxaan qaaday ballan, in aan hubin doono daahfurnaan ballaadhan oo khusaysa bahinta dukmentiyadii Septemper 11, 2001 weearkii ka dhacay Mraaykanka. Xilli aynu waajahayno labaatan guuradii ka soo wareegtay maalintaa xanuunka badan. Waana aan weynaynaa ka go’naanshahaas” ayuu yidhi madaxweyne Biden, warqad ka soo baxday xafiiskiida.

Goaankan ayaa amraya Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkas, Mark Garlad, in uu sameeyo baahinta duminyadaas, iyada oo la waafajinayo hababka sharci.

Hore Laanta dambi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa soo saartay xog ku saabsan nin Sacuudiga u dhashay oo la sheegay in uu xidhiidh la lahaa raggii qaaday weerarkii 11-kii September ee sannadkii 2001-dii ka dhacay Maraykanka.

Dadka xogtan soo saaray oo ku sugan New York ayaa sheegay in dacwad oogaha guud William P. Barr uu si gaar ah macluumaadkaas ugu gudbiyey qareenada u doodaya qoysaskii dadkoodu ku dhinteen weeraradaas.

Booqortooyada Sacuudiga ayaase si joogto ah u beeninaysay ku lug lahaanshaha weeraradaas. Sidoo kale wax faallo ah oo warbixintan ku aaddan kama soo bixin safaaradda Sacuudiga ee Washington.

FBI-da ayaa sheegtay in warbixintan oo la diyaariyay sannadkii 2012-kii aan lagu xusin masuulkaan Sacuudiga u dhashay balse “baadhitaanku aanu dhammaan”.