Faafaahin ka soo baxaysa weerar ka dhacay Jowhar oo ay xildhibaanno ku dhaawacmeen.

Markanna magaalada Jowhar, halkaas oo xalay fiidkii lagu dhaawacay saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Waxaa la soo werinayaa in xaaladda caafimaad ee xildhibaannadaasi ay haatan deggan tahay iyadoo weerrarka lagu qaadayna loo adeegsaday bam gacmeed lagu tuuray guriga ay magaaladaasi ka deggan yihiin.

Ciidammada ammaanka ayaa durbadiiba lagu soo daadiyay magaalada waxaana ay wadaan baritaan arrintaas la xiriirta, walow illaa hadda aanay jirin cid weerrarkaasi loo soo qabtay.

Weerrarkan ayaa imanaya xilli magaaladaasi lagu wado dhawaan in lagu qabto doorashada xildhibaannada golaha Aqalka Sare ku matali doona maamulka HirShabeelle.

Haddaba si aan faafaahin intaasi dheer u helno waxaan khadka taleefanka ee Jowhar kula xiriiray Xildhibaan Maxamuud Wabar Xasan oo ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle.