Dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo sedex dhalinyaro ah oo shalay afduubteen dad ku hayb ah Ikraan.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo sedex dhalinyaro ah oo shalay galinkii dambe laga afduubtay xaafadda Howlwadaag.

Afduubka dhalinyaradan ayaa la xiriirinayaa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd sirdoonka Soomaaliya oo dawladdu sheegtay in Al-Shabaab ay dileen balse shabaabku iska diideen inay ku lug lahaayeen dilka gabadhaasi.

Dadka afduubka gaystay ayaa ku hayb ah Ikraan, halka kuwa la afduubay ay ku hayb yihiin agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Haddaba si aan u ogaano halka ay marayaan dadaallada lagu sii daynayo dhalinyada afduuban, sidoo kale waxaa jira dadaalo nabadeed iyadoo Suldaan Aadan Cusmaan Caalin oo ka mid ah odayaasha ku hawlan sii daynta raggaas.