Faah Faahin: Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda ee Kudhaa ee Gobolka J/Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & Xubno ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii saakay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda dhawaan ka sameysteen deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Al-Shabaab  ayaa warar ay ku qoreen Baraha Ineternet-ka ee taageera ayaa waxaa lagu sheegay inay si xoog ah ku galeen Saldhiga Ciidamada, isla markaana ay weerarka ku dileen in ka badan 10 askari, gaadiid dagaalna la wareegeen walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiininaya sheegashada Al-Shabaab.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda qeybta 43aad ayaa dhankooda waxaa ay Risaala u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaha yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab.