Ciidamo ka tirsan Puntland oo mar kale lagu biiriyay dagaalka G/Mudug.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca dowlad Goboleedka Puntland ee PSF waxaa ay gaareen degaano ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Puntland ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay gaareen degaano u dhow degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan koonfurta Mudug, halkaasna howlgallo ay ka bilaabi doonaan.

Degaano kuyaal Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa dib ula wareegay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana Puntland ay sheegtay inay Maamulka Galmudug kala qeyb qaadan doonaan davaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Iyadoo 26-kii Agoosto 2021-kii Al-Shabaab dib u qabsaday degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara ee Koonfurta Gobolka Mudug  kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo dagaalo halkaasj horay uga dhacay kula wareegay.