C/raxmaan C/shakuur “Dilka Ikraan Tahliil waxaa ka dambeeya Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Farmaajo..”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka Madaxda joogta Villa Somalia ayaa si kulul uga hadlay dilkii la sheegay in loo geystay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, isaga oo sidoo kale eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehellada Ikraan tahliil, waxaana uu sheegay in Hay’adda ay kamid aheyd Afartii sano ee la soo dhaafay midaamka Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in dhibaatooyin badan uu dalka ka geystay, sidoo kalena Ikraan tahliil loo dilay xog ay ka heeysay hoggaanka Hay’adda NISA.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Nidaamka Hay’adda NISA uu yahay sida dhaqanka Al-Shabaab, dhibaatooyin kala duwana ay u geysteen Shacabka Soomaaliyed oo ay kamid yihiin dhiibistii Qalbi Dhagax waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu baaqay in uu xilka ka qaado Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin si loo soo badbaadiyo waxa halista ku ah dowladnimada Soomaaliya, isla markaana baaritaan dhab ah uu ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil.