Al-Fanaan Maxamed Aaden Shamuuri oo Muqdisho ku geeriyooday.

Allah ha u naxariistee waxaa xalay  magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta-Nabada ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Aaden Shamuuri oo ka tirsanaa hoballada Waaberi.

Shamuuri oo fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii ayaa Caan ku ahaa heesaha iyo Jilista ruwaayadaha waxa uuna geeriyooday xanuuno haayay bilihii la soo dhaafay.

Fannaanka Maxamed Xasan Barrow oo ay isku xilli bilaabeen fanka saaxiibna dhowna ay ahaayeen ayaa sheegay in uu qayb wayn ka qaatay fanka Soomaaliya.

Maxamed Aden Abdiide  oo loo yaqiin (Shamuuri) waxa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe waxaa uu fanka ku soo biiray horraantii 70aadka isaga oo ka mid ahaa kooxdii Yogol ee degmada Jowhar oo ay kawada tirsanaayeen isaga iyo fanaankii kale Daauud Cali Masaxaf.

Shamuuri 1975-kii ayuu ka qeybgalay barnaamjikii tartanka Heesaha Hirgalay isaga oo ku soo baxay kaalinta 1aad . Heesta ugu horeysay ee uu caanka ku noqday waxa ereyadeeda ka mid ahaa

  • Qalbi nabar ku yaalaan qaboobine
  • Qufac iyo kalgacal baan qarsoomin
  • Qoto dheere soo korodh
  • Igu qarax jaceylkee
  • Waxaad qabanse mooyaane”

Allaha u naxariisto Maxamed Aden Abdiide “Shamuuri” waxa uu markii dambe  noqday fanaan weyn oo ka tirsanaa hobolladii qaranka ee Waaberi . Waxaa uu ahaa Mullaxan ,Heesaa iyo Muusikiiste intuba.