Taariikhdii, Sh. Madar iyo Asaaskii Magaalada Hargesa. Qore: Yahya Amir

Hargesa waa sida Nairobi oo kale, waa Laba Magaalo aad u da’ yar. Labaduba waxa ey jiraan Qiyaastii Hal Qarni iyo Rubac aad ayeeyna u koreen, waxa eyna dhaafeen Magaalooyin ka Da’ weyn.
Nairobi, waxaa la asaasay 1899, Markii la dhisayay Waddada Tareenka ee isku Xirto Mambasa iyo Uganda, ayaa Shirkadii wax dhiseysay waxaa Keeynta Xarun uga dhisay, “Sir George whitehouse”, xaruuntaa oo markii Dambe noqotay Magaalo, Macnaha Kalmadda Nairobi ee luqadda Qabiilka Masaai ayaa ah (Enkare Nyirobi) “Meeshii Biyaha qaboobeyd”.
Hargesa.
Magaca Hargeesa waxaa la yiraa, waxa ey ka kooban tahay Laba kalmadood oo kala ah “Hargo & Geeys”, Meeshii lagu ururi jiray Maqaarta Berbera laga dhoofiyo, In kasta oo Oromaduna ey sheegtaan in Kalmadda Hargesa ey tahay Luuqadooda oo iyagu ey degaanan jireen, Laakin waxaa inta badan la isku raacsanyahay in uu asaasy Sh. Madar.
Sh. Madar Axmed Shirwac-AUN, waxa uu ku dhashay Berbera 1825 waxa uuna ku geeriyooday Hargesa 1918. waxa uu ahaan Hogaamiye: Diineed, Bulsho, Sharciyaqaan, Isbedel Doon, Aftahan fikirkiisa gudbin karo. waxa uu ka tirsanaa: Dariiqada Sunni, Shaafici, Ashcari. waxa uu ka dhashay Qoys Ganacsataa oo Hantiile ahaa.
Aabihii ayaa u diray Magaalada Harar oo muddo 20 Sanno ah uu ku barnayay Diinta. Shiikhiidii, Sheikh Kabiir Khaliil ayaa Faray in uu diinta Fidiyo. Sh. Madar waxa uu ahaa Beesha:Yunis Nuux-Sacad Muse-Habar Awal.
Sh.Madar, Masjid ayuu ka dhisay Hargesa 1883, waxa uuna Berbera ka soo guuray Sannadkii 1899.wakhtigaa waxaa Magaalada Hargesa Hogaaminayay Sh. Madar iyo Sudan Diiriye Xassan. Sh. Madar, waxa uu Hargesa ka asaasay Jameeca Diineed oo loo yaqiin” Jamaaca weyn” waxa uu Xaliyay Colaadii Beelaha dhexdooda aheyd waana mideeyay.
Waxaa kale oo la yiraa, Bilawgii hore waxaa deganaa Hargeso Ganacsato Garxajis ah, waxaana Magaalada aad u deganaa tira Badan oo Sacad Muse ah. Waxa ey aheyd Meel isku xirto Berbera iyo Deegaanka Gudaha, waxa ey aheyd Meel Biyo leh oo Ganacsatadu ku nasto.
Wuxuu Sheikhu ku soo kordhiyay Deegaanka Beerashada Masagada iyo Dhismooyin cusub oo dhagax ah.
Markii Sh. Madar iyo Suldaan Diiriye ey ku kulmeen Banaanka Hargesa 1870 ( F.S: 1) “Sh. Madar Sawirka Dharka Madow” waxa ey Amreen in la joojiyo Ugaarsiga Duurjoogta iyo jaridda Dhirta si deegaanka loo Dhowro.
Berbera, waxaa Muddo dheer hogaaminayay Culumada Dariiqada Qaadiriyada, Laakin markii Dambe waxaa soo galay Dariiqada Saalixiyada oo uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdule Xassan oo Berbera yimid Sannadkii 1895.
Sayidku waxa uu Degay Masjid ku yiil Magaalada Berbera waxa uuna ku abuuray Arday Xer ah, si uu u Fidiyo Dariiqada Saalixiyada oo aheyd qeyb ka mid ah Dariiqada Axmadiyada. waxa uu mamnuucay Jaadkii iyo Isticmaalka Tubaakada, kuwaa oo Qaadiriyadu ey hore uga aamustay.
Waxaa la isagu yeeray Culumaddii deegaanka oo ey ka mid ahaayeen: Aw Gaas, iyo Shiikh Ibrahim Xirsi, waxaana loo wacay Sh. Madar 1897 si uu uga qeyb galo Dood Diineed u dhexeeysay Qaadiriyada iyo Saalixiyada, Doodii waxaa ku guuleystay Qaadiriyadii. Sayidkiina waxaa laga eryay Magaalada. Kadibna waxaa bilaabatay in Labada dhinac ey isgaaleeysiiyaan. Sayidkiina waxa uu Sameystay Daraawiish Saalixiyo ah, Laba Sanno kadibn ayuuna Duulaan bilaabay Sayidku.
Waxa la dareemay Saxan saxo Colaadeed, waxa la Diyaarsaday Ciidamo Badan. Sh. Madarna waxaa loo sameeyay ilaalo u gaar ah ( F.S: 2aad)
Markii laga war helay in Sayidku uu u dhaqaaqay Dhinaca Oodweyne, Sh.Madar waxa uu u yeeray Garxajis/Ciidangale iyo Habar Awal, si looga hortago Sayidka iyo Amxaarad oo iyana Wakhtigaa ku soo fideeysay Dhulka Galbeedka Hargesa ka xigo, si Qabaa’iilada Somalidu ey Cashuur u siiyaan General Ras Makonnen Walde Mikael oo Hogaaminayay Axmaarada.
Amxaarada oo markaa u muuqatay khatar Dhinaca kale ka soo wajahee Magaalada Hargesa iyo Deegaanada ku hareereeysan iyo si Sayidka looga Badbaadiyo in uu Hargesa ka jaro Wadada Ganacsigu maro, Kadibna Baarlamaankii Ingriiska ayaa Go’aamiyay Sannadkii 1901dii in laga hortago Sayidka, inkasta oo uuna Sayidku si toos ah u weerareyn Xarumaha iyo Magaalooyinka Ingriisku joogo, Haddana waxaa ka soo Cabtay Dadkii Miyiga ku noolaa ee Hoos tagayay Mustacmaradda Ingriiska.
Sayidku waxa uu isticmaalayay Xubno ka tirsan isla Beelweynta Sh. Madar, kuwaa oo Daraawiishta ka tirsanaa, Raggaa waxaa Hogaaminayay Ninkii ahaa Gacanta Midig ee Sayidka loona yaqiin Ahmed Warsame, Daraawiishta Dhaxdeedana looga yaqiin Magaca “Xaji Sudi Shabeel” una dhashay Qabiilka Adan Madoobe ee Habar Jeclo, kana tirsanaa Daraawiishta ilaa uu ka geeriyooday 1920kii. ( FS: 3aad ) Xaji Sudi ” Sawirka Bixid”iyo Ducaale Idris oo ey Xigto ka ahaayeen dhinaca Guurka.
Sh. Madar Axmed Sirwac-AUN waxa uu ku guuleystay in uu Dadkii Deegaanka Diinta Baro, Mideeyo, Difaaco una Dhiso Magaalada Hargesa.
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir