Maxay ka wada hadleen ganacsata Soomaalida Kenya iyo ra’iisal wasaarihi hore ee Kenya Raila Odinga?

Gacanasatada Soomaalida ah ee xaafada islii ee magaalada Nairobi oo qayb ka ahaa kulan guudahaan ganacsatada Kenyaanka ah ay la yeesheen Raysal Wasaarihii hore ee dalka kenya Raila Odiinga.

Ganacsatada Soomalida ah waxay si gaar ah Raila ugala hadleen culeysyo u gaar ah ganacasatada xaafada islii ee mgaalada Niarobi.

Ganacsatada Soomaalida ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah adeegyada ay dalka kenaan la saaray canshuur xad-dhaaf ah taas oo ay hadda doonayaan in laga qafiifiyo.

Sheekh Maxamed Shakuul ayaa ka mid ah ganacsatadii ka qayb gashay kulanka, Ciise Xaaji Cabdulle ayuuna uga warmay waxyaabihii kulankaas looga wadahadlay marka horese wuxuu waydiiyay isbarbardhig uu ku sameyay ismamaulka Mandheera iyo ismaamullo kale oo siyaabo kala duwan looga hadlay.