Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Guddiga Baarlamaan ee doorashada Aqalka Sare.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  ayaa maanta Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Gudiga Doorashada  Aqalka Sare ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa Gudiga Kala hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa Madaxweynaha ay siiyeen Warbixn la xiriirta halka ay marayaan u diyaar garoowga howlaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu soo saaro liiska muaharixiinta Xildhibaannada Aqalka Sare.