Ciidanka Jabuuti ee Jooga Soomaaliya oo loo soo magacaabay Taliye cusub.

Dowladda Jabuuti ayaa Col. Xasan Jaamac Faarax uu soo magacaawday taliyaha ciidankeeda Jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca AMISOM, waxaana lagu soo dhaweeyay xerada ciidanka AMISOM ee magaalada Beledweyne.

Col. Xasan Jaamac Faarax oo noqonaya taliyaha Sector 4 ee ciidanka AMISOM, ayaa markii uu gaaray Beledweyne waxa uu la kulmay saraakiisha sarsare ee ciidamada AMISOM si ay warbixin uga siiyaan xaaladda amniga gobolka iyo howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah ee ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM ay kula dagaalamayaan Al Shabaab.

“Waxaan xoojin doonaa wada shaqeynta ka dhexeysa ciidamadeena iyo hay’adaha amniga Soomaaliya si aan u dardargelinno shaqada si aan nabad iyo ammaan ugu soo celinno aagagga aan mas’uul ka nahay. Waxaan sii wadi doonnaa howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab” ayuu yiri Col. Jaamac, oo hoggaamin doona howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Col. Jaamac ayaa beddelaya Col. C / raxmaan Riyaale Xareed oo dhawaan soo dhameystay shaqadiisii Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan in ka badan 20,000 oo askari oo ka socda midowga Afrika, waxaana ciidamo milatari ah ay kala socdaan dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda halka ay booliskuna ka kala socdaan wadamada Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.