Booliska Itoobiya Howlgal ay sameeyeen oo ku soo qabtay hub iyo Rag watay.

Ciidamada Booliska Magaalada Addis Ababa ee  Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay qabteen 284 ruux oo lagu tuhmay inay geysan rabeen falal argagaxisanimo.

Taliye kuxigeenka Booliska Magaalada Addis Ababa Xasan Nagaash ayaa sheegay in xubnahani ay xiriir wadashaqayneed la lahaayeen Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ragga ay Ciidamada qabteen ay wateen hub kala duwan oo iskugu jira 199 Baaskooladood, 2453 oo xabo rasaasa 32 qoriga Kalaashkoofka ah iyo 5049 oo rasaastiisii ah iyo Afar xabo oo diirada Dagaalka ah.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in sidoo kale ay ku qabteen howlgalkii ay Ciidamada sameeyeen 1.5KG oo dahab ah iyo 37kun 294.8GM oo naxaasa oo ay u isticmaalayeen dhaqaale ahaan xubnahan, wuxuuna Bulshada uu ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay dagaal xoogan kula jirtaa Kooxda TOLF ,waxaana dagaalo culus ay ku dhex-mareen Gobolka Tigreega iyo degaano badan oo kuyaal Waqooyiga Itoobiya.