MW Maamul-goboleed oo iska diidey mashruuc balaayiin doollar ah (Ma malayn kartid wuxuu ka doortay?!!).

Riwaayad gaaban! Madaxweyne maamul goboleed ayaa aqoon yahanno kula taliyeen: dhulkaagu waa nabad, khayraad ayuu ka buuxaa, maal gashi badan ayaad adduunka ka heli kartaa.

Dowladdaada dhexe iyo soomaalida oo dhan wey kula oggolyihiin weyna kula dhuuqayaan, ee fikirka iyo xoogga saar sidii aad mashaariic waaweyn (Mega Projects) u qorshayn lahayd, ugana shaqayn lahayd, (wershedo, dekedo, waddooyin) dad aqoon iyo xirfad lehna ugu xuli lahayd, adiguna u dhergi lahayd, dadkaaguna sabool nimada uga bixi lahaa?

Wuxuu yiri: Taas hadda looma joogo, rag baanu is haynnaa, (doorashadii) ayaanu isku haynnaa, (xildhibaannadii ayaa loolan adag ka jiraa) taas ayaa ugu muhimsan dalka hadda, waxaan aad sheegeysaan iyagaa iska iman doona.

Midda kale mashaariicda aad sheegeysaan 2-5 bilyan oo doollar ayey u baahantahay! Xagee laga keeni? Wexey ku yiraahdeen iyaga oo yaabban: Mudane rabitaanka iyo go’aanka ayaa wax walba ka horreeya, 5-ta bilyan ee kula culus dad bey adduunka kala fududahay koob shaaha.

Haddey luntana xitaa aan dareemin! Sida lagu keeni karana dad bey xirfad u tahay! Hanti weynna waad haysataa! Isagoo hoos isula hadlaya, oo bushimaha dhaqaajinaya ayey arkeen, Madaxweyne, haa..: Aqalka sare immisa ayaan ku yeelanayaa?

Liiska xildhibaanada…meeqa ayey iga rabaan? 10….15…30……Aqoon yahannadii ayaa meesha ka kacay iyaga oo dhabannada haysta oo leh: Ilaahay soomali ha u gargaaro. Madaxweynihiina taleefan ayaa u soo dhacay:

Hello, Hello Madaxweyne, codad la isku hubo ayaan kuu wadaa, haye soo gala.. soo gala!!

FG: Sheekadani waa miisaal laga soo qaatay marxaladda uu dalku marayo.

WQ: Sheekh Maxamed Idriis