Midawga Musharixiinta oo Riyooday!!!.

Maanta oo taariikhdu tahay 29/8/2021. waa tan, Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta oo kala ah:
1. Daah furnaanta doorashada, mugdiga soo galay, niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.
(Shacabka: In Mugdi soo galay Doorashada waa ognahay, Bulshadu in ey Adinka iyo Iyagaba ka wada niyad Jabtay waan ogahay, In Farmajo muddo xileedkiisii dhamaday waan ognahay).
2. In la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku haleyn karo oo daah furan ay ka dhacdo dalka.
(Shacabka: Maxaad na xasuusineysiin oo aan hilmaanay ?. in Adinka Laftiinu aad Musharixiin tihiin ayaan hilmaanay, ileeyn umaba dhaqantiin sida Dad Musharixiin ah oo wax ka maqanyihiin).
3. Inay wada-hadallo la leeyihiin madaxda Golaha wada-tashiga doorashooyinka, si gaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.
(Shacabka: Tabashadiina idiin gaarka ah ayaad Gudbiseen ee Tii shacabka ma gudbinina, waxaadna u gudbiseen, Niman waxa aad Adinku Rabtiin iyaguna rabo, Jawaabta aad sugeeysiin waa: Magan Alla, Sadaqo idiinma heeyno).
4. In Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.
(Shabka: Baraha Bulshada, ayaan ku aragnay in aad Adinka iyo Wiilka yar oo aad dhali kartiin, oo aan ogeyn in uu xukuumad aan jirin uu hogaamiyo iyo Adinku aad Makhaayada Hotel Jazeera wada Fadhideen, oo aad ka wada hadasheen Cidii Biilka Makhaayadda bixin leheyd).
Gunaanad.
Midawga Musharixiintu iyaga oo Riyoonayo ayeey weli ka cabsanayaan Nin Boorso sii wato oo iska tagay Hooskiisa. ( F.S: 1aad)
FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax.
Qore: Yahya Amir