Dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo dib uga bilowday Deegaanka  Garba-ciise.

Waxaa lagu soo warramayaa in saaka uu dagaal dib uga bilowday agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise.

Maamulka Soomaalida wuxuu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan.