Dowladda Itoobiya oo war kasoo saartay colaadda Soomaalida iyo Canfarta.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa bilowday dadaal ay ku joojineyso dagaalka maalmihii u dambeeyey Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmarayey Galbeedka Gobolka Siti.

Xukumadda Addis Ababa ayaa labada dhinac ay dirirtu dhex mareyso ugu baaqday iney si degdeg ah xabadda u joojiyaan isla markaana miiska wadahadalkana isugu yimaaddaan.Dagaalka maamlmihi la soo dhaafayna waxaa ku dhintay dad boqol kor u dhaafaya, iyo dad badanna ay ku barakaceen.

Dhinacyada dagaallamayana waxay kala sheeganayaan iney dagaalka guulo ka gaareen oo ay dhulal kala qabsadeen inkasta oo ay sheegtay BBC-da inaysan arrintaas xaqiijin karin.

Waxaana horey u fashilmay heshiisyo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda soo noq-noqotay ee Soomaalida iyo Canfarta.