Daalibaanka oo qabsaday hub fara adan 200 oo dayuuradood oo ay ka mid yihiin AC-130+Sawirro.

Kabul:-Dagaalyahannada Daalibaan ee la wareegay dalka Afghanistan ayaa la wareegey hub ciidan oo noocyo badan iskugu jira oo ay xitaa dayuurado casri ihi ka mid yihiin.

Daalibaan ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 200,000 oo qori gacmeed, 20,000 Humvee, waxaa ka daran ilaa 208 dayuuradood oo ah noocyo kala duwan oo ay ku jiraan 4 ah nooca AC-130 oo la siiyey Ciidanka Xoogga dalkaasi.

Waxaa la arkayey Daalibaan oo laamiga ku wada dayuurad Blackhawk ah oo ay middiiba joogto $6m oo doollar, kuwaasoo 7 ka tirsan bishii hore uun lagu wareejiyey Ciidankii kala cararay.

Waxaa dayuuradaha ku jira 23 xabbo oo ah A-29 Super Tucano, 45 xabbo oo ah UH-60 Black Hawk iyo 50 ah nooca dagaalka ee fudud ee MD530 ee ku jirey dagaalkii Ciidanka Rangers-ka ee Somalia.

Dhanka kale La Taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa todobaadkii hore qirtay in aanay sawir cad ka haynin sida loo qabsaday hub ku kacaya $83 bilyan oo doollar oo haatan ku jira gacanta Daalibaanka.

A Taliban fighter poses with a US-made Afghan air force Blackhawk helicopter at captured Kandahar airfield [File photo]The Afghan military has four C-130 transport aircraft, seen above. US-provided military equipment is now in danger of falling into Taliban hands as the group takes over Afghanistan

Halkan ka arag sawirrada…