Taliska AFRICOM oo war ka soo saaray duqeyn uu ka fuliyay Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn diyaaradaha duulliye la’aanta ay ka fuliyeen Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug kaddib markii Al-Shabaab ay weerartay deegaankaas.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in si hordhac ah ay u xaqiijiyeen in aanay duqeyntaas waxyeelo u geysan dad rayid ah sidaasna ay ku xaqiijiyeen baaristooda, balse jawaabta guud laga sugayo Dowladda Federaalka.

AFRICOM ayaa dib u kordhinta duqeymaha uu ka fulinayo Soomaaliya ku sheegay mid ay ku gacansiinayaan  Saaxiibadood si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada ay maamusho Al-Shabaab sida lagu xusay bayaanka.

Image

Dhanka kale Howlgalka Gobolka Mudug ee Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa ku dhaw saddex bil, Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn ku garabsiiyay ciidanka iskaashanaya.