Somaalida iyo Canfarta oo mar kale Dagaal ka dhex qarxay.

Muqdisho:-Dagaal u dhaxeeya Somaalida iyo Canfarta ayaa markale ka qarxay deegaano ay wada dagaan Soomaalida iyo Canfarta.

Maleeshiyaadka Canfarta ayaa la sheegay in ay dagaal kusoo qaadeen magaalada Candhuufo oo ay ku sugan yihiin Soomaalida.

Maleeshiyada Canfarta ayaa horey waxay u qabsadeen magaalooyinka Cadheyti iyo Garbacise, iyagoo lagu eedeeyay in halkaas gaboodfallo ay ka geesteen.

Dagaalka ayaa weli socda, iyadoo lasoo warinayo in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.