Siyaasiyiinta Somaliland garabka ka soo horjeeda Cabdi Xaashi oo soo dhaweeyay habraaca doorashada.

Qaar kamid ah xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaannada Soomaaliland ayaa sheegay, inay raacsan yihiin habraacyada doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, ee ay dhawaan soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxayna cambaarayn kala dul dhaceen siyaasiyiinta reer woqooyiga ee ka soo horjeeda habraacyada la soo saaray.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay, Xildhibaan Axmed Maxamad Jaamac Cirro, oo kamid ah siyaasiyiinta soo dhaweeyay habraacyada doorashada ee la soo saaray.