Is rasaaseyn ka dhacday meel u dhow safaaradda Faransiiska ee Tanzania.

Is rasaaseyn ayaa goor dhowayd ka dhacday meel u dhow safaaradda Faransiiska ee caasimadda dalka Tanzania ee Dar es Salaam.

Wali ma cadda ujeedka weerarka iyo dadka mas’uulka ka ah.

Weerarka ayaa dhacay xilli Madaxweyne Samia Suluhu ay kulan kula qaadatay taliyayaasha booliiska meel ka duwan Dar es Salaam.

Safaaradda Mareykanka ee Tanzaania ayaa muwaadiniinteeda ku boorrisay inay ka fogaadaan aagga u dhow safaaradda Faransiiska ayna la socdaan warbaahinta gudaha si ay u helaan macluumaad.

Image