Dibadbaxyo Balaaran oo looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka socda Magaalada Gaalkacayo .

Wararka ka imaanaya koofurta magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay ay xiran yihiin goobaha ganacsi ee ku yaala magaaladaas.

Xirnaan shaha goobaha ganacsi ayaa timid kadib amaro xalay kasoo baxay laamaha amniga Magaakada Gaalkacayo .

Dhinaca kale Ganacsiga, waxbarashada iyo goobaha kale ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiran, waxaana dad weynaha Gaalkacyo saakay u dareereen Goob loo asteeyey inuu ka dhaco dibad bax weyn oo lagu taageerayo howlgalka ciidamada xoreynta degaanada Galmudug ee ka socda Koofurta gobalka Mudug.