Afganistaan:-Daalibaan oo magacaawday wasiirro, duqa Kabul iyo madaxa sirdoonka qaranka.

Kooxda Daalibaan ayaa magacawday wasiirka cusub ee maaliyadda,waxbarashada, gaashaandhiga madaxa sirdoonka, iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Afghanistan, sida ay qortay wakaaladda wararka maxaliga ah ee Pajhwok.

Sida ay ku warantay xubnaha ayaa ilaa hada la shaaciyay in la magacaabay waa 8 xubnood.

  1. Sakhaullah waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada.
  2. Cabdul Baqi wuxuu noqonayaa madaxa tacliinta sare.
  3. Sadr Ibraahim waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.
  4. Gul Agha waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda.
  5. Mullah Shirin ayaa noqonaya guddoomiyaha cusub ee Kabul.
  6. Hamdullah Nomani waxaa loo magacaabay duqa magaalada Kabul.
  7. Najibullah waxaa loo magacaabay madaxa sirdoonka Afghanistan.
  8. Mullah Abdul Qayyum Zakir.

Zakir waa maxbuus hore oo lagu soo xiray xabsiga Guantanamo ee Mareykanka waxaana loo magacaabay wasiirka difaaca sida laga soo xigtay telefishanka Aljazeera ee fadhigiisu yahay Qadar Talaadadii, isagoo xiganaya ilo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta.

Dhinaca kale, Agaasimaha CIA-da, William Burns, ayaa Kabul kula kulmay hogaamiye ka tirsan Daalibaan, Abdul Ghani Baradar, sida ay sheegeen Saraakiil aan la magacaabin oo ay soo xigteen Washington Post iyo Associated Press.

Kulanka oo labada dhinacba aysan wali tafaasiil dheeraad ah ka bixin ayaa wuxuu yimid iyada oo ay weli socdaan daad –gureynta gegida dayuuradaha ee Kabul, sida laga soo xigtay AP.

Qiyaastii 16,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay Afgaanistaan 24 -kii saac ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Pentagon -ka, iyadoo ciidamada Mareykanka ay horseed u yihiin dadaal sii kordhaya ku aaddan in kumanaan kale laga saaro ka hor “khadka cas” ee Daalibaan u muddeysay ciidamada reer Galbeedka si ay dalka uga baxaan.

Madaxweyne Joe Biden waxaa saaran cadaadis si loo kordhiyo waqtiga kama dambeysta ah ee 31-ka Ogosto si ay u hayamaaan ciidanka Mareykanka, iyadoo la filayo in Britain uga ololeyso arrintaas shir madaxeedka G7.