Madaxda maamul goboleedyada iyo midowga musharaxiinta oo is af-garad gaaray?

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa aqbalay in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ka muujiyeen midowga musharrixiinta.

Midowga musharaxiinta ayaa cabasho ka muujiyay hab-raacii doorashada golaha shacabka.

Sida uu sheegay hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kulan ay xalay la yeesheen midowga musharaxiinta Ra’isul wasaaraha xukumadda, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharrixiinta ayaa la isku afgartay saaridda guddi wadajir ah oo turxaan bixiya qaar ka mid ah qodobbada hab-raaca.

Waxaa qodobadaas ka mdi ah xulidda ergada odayaasha dhaqanka, hay’adda dambi baarisata ee CID iyo lacgta Khidmadda tartamayasha laga qaada.