Qaar ka mid ah siyaasiinta gobollada Woqooyi oo su’aal ka keenay habraaca doorashada.

Qaar ka mid ah siyaasiinta gobollada woqooyi ayaa ka biyo diiday qodobbo ka mid ah habraacyadii ka soo baxay shirkii madaxda maamul-goboleedyada, gobolka Banaadir iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Siyaasiintan ayaa si gaar ah farta ugu goday, qaabka loo marayo soo xulista ergada dooraneysa xildhibaannada gobollada woqooyi iyo cidda go’aanka ka gaadheysa qoondada dumarka.

Siyaasiintaasi waxaa ka mid ah Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka warramay waxa ay ku saluugeen habraacyadaasi ka soo baxay shirkii shalay.