Koox ka soo horjeeda Taaliban oo sheegtay inay diyaar la tahay kummanaan dagaalyahanno ah.

Koox ka soo horjeeda Taaliban ayaa sheegtay inay diyaar la tahay kummanaan dagaalyahanno ah oo xilli walba diyaar u ah dagaal.

BBC -da si madaxbannaan uma xaqiijin sheegashadan, oo uu sameeyay Ali Nazary, oo ah madaxa xiriirka dibadda ee Jabhadda Iska -caabinta Qaranka ee Afghanistan (NRF).

Mr Nazary ayaa wareysi uu siiyay BBC -da ku sheegay in kooxdu ay leedahay “kumanaan ciidan ah oo diyaar u ah iska caabinta” balse ay doonayaan inay marka hore wadaxaajood nabadeed la galaan Taalibaan.

“Haddii tani ay guul -darreysato … markaa ma aqbali doonno nooc kasta oo gardaro ah,” ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Taalibaan ay sheegtay inay hareereeyeen dooxada Panjshir ee kooxda.