Fantashiruu Fil Arli =Maqaal=

Go’aanka Shanta Maamul Gobaleed ee 22/8/ 2021.waxa uu i xasuusiyay, Macalinkii Dugsiga oo Marka uu Dan gaara yeesho ee uu rabo in uu Ardayda kala Fasaxo na dhihi jiray ” Fantashiruu fil Arli “.
1. Haddii Somali Land, Sadkeedii soocatay
2. Haddii Punt land, Hoosta Bolol ka noqotay, korna laga rinjiyeeyay.
3. Haddii Galmudug ey Guluf Siyaasadeed oo Guuldaro ku dhamaado ey go,aansatay.
4. Haddii Hirshabeele, Afkii oo gam ah iyo kala go’ guushii noqotay.
5.Haddii Koofur galbeed, ey Gunnimo go’aansatay.
6.Haddii Juba land Jini ku dhacay.
7. Haddii Banaadir, Bar kuma yaal Noqday.
8. Haddii Dowlad dhexe, ey noqotay Dhalaan Talo ku dheel bartay.
9. Haddii Bahda Xalane ey kaa dhigatay ” Bulac Daba gooyadii, ilmana waa u dheel isagana
Waa u dhimasho.
9. Haddii Diin ku dhaqan, Dastuur iyo Dadnimaba Daaqada laga tuuray. ( F.S: 1-8)
Nin walboow taada u tasho soow maaha, Adiguba Caqlaad leedehee, Ha Cataabin, hana ceeytamin, Beenna ha isku baawin, ee Qarannimadii soow Fantashiruu foolka ma saarin.
yaad ka sugee in uu Badbaadiyo? waa talo noo wada taal.
Qore: Yahya Amir