Dowladda Federaalka oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay Arrimaha Shidaalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta dowlada Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay shidaalka Soomaaliya ee ku jira badda.

Shirkan oo lagu qabtay habka fogaan araga ee internetka, waxaa soo qaban qaabiyay Hay’ada Friends of the Horn Foundation, waxana looga dooday  aragtiyo iyo Hanaanka ugu wanaagsan ee looga Faa’iideysan karo kheyraadkaas.

Sidoo Shirka ayaa waxaa  Warbixinno iyo Culuum kala duwan ayay khubaradii ka qeybgalay Soo bandhigeen ka dhageystay ka qeyb gaalayaasha oo ay kujiraan mas’uuliyiinta ka socda dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cel celisay in Soomaaliya Shidaal farabadan meelo kamid ah uu kujiro, waxaana tartan la geliyay Shirkado doonaya inay shidaal ka qotaan Soomaaliya.