Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Xaafadda Buundo 1-aad ee degmada Waaberi saddex qof ayaa ku nafwaayay qofkalana waa ku dhaawacmay kaddib markii uu xakamaha (fariin) goostay Gaari nuuca daabulaha Ardayda ah.

Gaariga oo kasoo fariin goostay dalcadda dhanka wadada dabka ayaa dulmaray qaar kamid ah dadkii ku sugnaa wadada hareeraheeda waxa uuna ugu dambeyn gudaha u galay guri ay ku noolaayeen dad shacab ah.

Dad ku sugnaa goobta shilka ka dhacay ayaa noosheegay in ay arkeen dhimashada ilaa saddex ruux iyo dhaawaca qof kale.