Booliiska dowlad degaanka Soomaalida oo gacanta ku dhigay hub fara badan.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya on Ciidamada gaarka ah ee ka howlgala kantoroolka Magaalo qaran ay gacanta kusoo dhigeen hub sharci daro ah, kuwaas oo la doonayay in la geliyo magaaladaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka ayaa sheegay in hubka lagu waday gaari islamarkaana ay la socdeen rasaas fara badan oo jawaano lagu shubay.

Dhanka kale Saraakiisha waxay sheegeen inay Ciidamada mar kasta heegan ugu jiraan ka hortaga waxyaabaha halis galinaya bulshada & amniga.