AKHRISO: War Mutiyeed laga soo saaray Shirka golaha wadatashiga Qaran (Qoraalka oo dhamaystiran).

Shirka Golaha wadatashiga qaran ee ka socday Muqdisho labo maalmood ayaa maanta lasoo gababeeyay waxaana laga soo saaray war murtiyeed.

Qodobada waxaa ka mid ah in lagu dhisay guddiga Amniga doorashada oo Ra’iisul wasaare Rooble uu gudoomiye u yahay uuna ku jiro taliyaha booliska Federaalka iyo taliyeyaasha maamul goboleedyada.

Lacagaha ay dhiibayaan Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxaa ay ku dhici doonto qasnada guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed.

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland waxaa si wadajir u soo xulaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale Ergada doorashada waxaa soo xuli doona Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Hoos ka akhris qodobada  Warmurtiyeedka oo faah faahsan.