Afgooye: Goobaha Ganacsiga oo Maanta xiran iyo xiisad ka taagan halkaasi.

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan Goobaha Ganacsiga eek u yaal halkaas, iyada oo ay xiisad ka kajirto.

Sababaha Goobaha Ganacsiga Afgooye Maanta u xiran yihiin ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan lagu arkay Wadda u dhexeysa Labada buundo.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa Radio Risaala waxaa ay u sheegeen in maleeshiyadka ay ka careysan yihiin burburin la sheegay in la doonayo in lagu sameeyi Guryo ku yaal Xaafada waanjeel ee ku taal Waaxda 21 Octoober ee Degmada Afgooye.

Maamulka degmada Afgooye iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin xiisadaan, waxaana qaar kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ay sheegayaan inay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Shalay ayaa waxaa degmada Afgooye ka dhacay dibadbax ay dhaigayeen dadka ku nool Xaafada waanjeel ee ku taal Waaxda 21 Octoobar, kuwaas oo sheegayay in aysan marnaab aqbaleyn in Guryahooda la burburiyo.