Madaxweyne Saciid Deni oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeybgalo shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmi doona Teendhada Afisiyoone ee Xeyndaabka xerada Xalane ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno iskugu jira xildhibaano iyo wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kamid ah masuuliyiinta ka qeyb galaya shirka golaha wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul wasaare Rooble.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa looga arrinsan donaa arrimo dhowr ah oo muhiim u ah habsami u socodka nidaamka doorashada Aqalka hoose ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.