Hirshabeelle: Arday gaareysa 9,000 oo la siiyay deeq waxbarasho oo bilaash ah.

Arday gaareysa 9000 oo ka soo jeeda qoysas danyar iyo barakacaal ku nool degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa horraantii bishan waxaa u billaabatay waxbarasho bilaash ah oo ilaa dugsiga hoose iyo dugsida dhexe ah.

Deeqdan waxbarasho oo qeyb ka ah mashruuca Bar ama Baro oo ah mid loogu talagalay danyarta aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.

Arintaan ayaa sare u qaadaysa Waxbarashada Dalka, gaar ahaan Qoysaska aan awoodin in Caruurtooda geeyaan goobaha Waxbarashada, waxayna sare u qaadaysaa Mooralka dadka Barakayaasha ah.