Nasashada Jimcaha.Q- 266=Haddii Tanasulku Sidaan ku sii socdo, intuu gaari Doonaa?=

1. Cabdi Miskiinoow oo Reer Marko ahaa ayaa Gabar uu Jeclaaday oo FB uu ku bartay, kana dhalatay Reer Hodon ah waxa ey ku Casuuntay in uu Mogadishu yimaad , Si ey u barto Qoyskeeda.
Cabdi waxa uu soo aaday Xamar, waxa uuna soo labistay Dharkiisii ugu qaalisanaa. Nasiib Daro markii uu soo galay Qolkii Fadhiga ayuu Arkay in Dharka uu ku soo labistay uu Reerkaan u yahay Daahyada Qolka Fadhiga. ( F.S:1aad )
( Waxa Jaakad iyo Surwaal Madow, loogu wada labisto Xafladaha, Ama Jimcaha Qamiis Cad loogu wada labisto waa yaan Dabaqadaada Dhaqaale la ogaan.
“Reer Markoow yaan lagu gaadin, lagaama Dhar fiicnee ililndigii Ow Ismaanka aad ugu talagashay Waliinjada kala soo bax”.)
2. . Cabdigafaar Ugaas, ayaa imtixaankii Dug/ Sare ku dhacay , waxa uuna keenay 12% . Maalmo kadib ayaa Saaxiibadii waxa ey arkeen, Isaga oo dhiganayo Jaamacad.
Waxaa lagu yiri : waxaad keentay 12%. Yuusuf oo keenay 49%na waa ku dhacay. Sidee Jaamacadda laguugu ogolaaday Adiga?.
Wuxuu yiri: Saaxiibkey Cabdullahi oo 92% imtixaanka keenay, ayaa iiga Tanasulay.
Abaal hore ayaana naga dhexeeyay oo Gabar aan wada jecleyn ayaan uga tanasulay, Aabaheyna Kursiigii Aqalka Sare, ayuu uga tanasulay, Aabihii.
(Haddii Tanasulku Sidaan ku sii socdo, intuu gaari Doonaa?).
3. Will yar, ayaa yiri : Hooyo, muxuu Aabbe Jimcaha Guriga uga maqnaadaa?”
Waxay tiri: wuxuu aadaa Xaaskiisa cusub ee Minyarada ah oo dhowaan uu guursaday. Soow, Ragga meel Ciriiri ah lagama raacin.
Wiilkii ayaa yiri: Hooyo Maxaa laga wadaa Minyaro iyo Meel Ciriiri ah?
Hooyadii oo xanaaqsan ayaa tiri: Alle ciriiri idin geli Ragow, .Adiguna iga aamus, Doqonyahow Madaxaweyn leh, Waxaas oo dhanba Madaxaagan Baaldiga la eg ayaa u sabab. ( F.S: 2aad ).
(Iga ag tag Kaagaan Caloosha weyn leh, Dhibka waxaa ii keenay markaan qaatay, Taladaadii aheyd Muddo kororsiga. Sidaa yaa ku Calaacalay ??)
4. in aadan fikireyn waxaan ku ogaaday, Kaneeco, Wajiga kaa saaran ayaad dharbaaxo Xoog leh ku dhufatay. Haddii aad la haleesho iyo haddii aad la gaftaba Adigu halkii dharbaaxo xanuunkiisa waad qabtaan. Xaasidnimada iska dhaafa.
Shiinaha ayaa waxay ku Maahmaahaan.
” Maalintii Kaneeco ey ku Dul degto Xiniintaada ayaad ogaanee in ey Haboontahay in aadan Dharbaaxin ee Arrinta waan waan lagu dhameeyo”. ( F.S:.3aad )
(Madax Badan oo war moog ah ayaa ogaa doono in ey Haboon tahay in Doorashada Dadka loo daayo oo waan lagu xaliyo, Maalinta “Zuu” ku dul Laba qarxo Xafiiskooda).
5. Nin Bukaan ahaa ayaa yiri: in Dhakhtarku in uu Been sheegayo waxaan ku ogaaday, waxa uu igu yiri: Cudurkaan ku hayo dartii, waxaad noolaanee 1 Sanno oo kaliya . Dhakhtarkii ayaan dilay, Maxkamadii ayaa igu la igu xakumay 25 Sanno.( F.S: 4aad)
(In Dastuurku been sheegaa waxaan ku ogaaday, waxaa ku qoran Xilka Madaxweynuhu waa 4 Sanno, Qodobkii Dastuurka ayaan Jabiyay. kadibna…….)
6. Haddii argagixso ey Xafiiska soo gasho oo ey tiraa, Dhamaantiin waan idin wada dileynaa, ee Safka u soo gala, sida ey u kala horeeyaan xuruufta magacyadiinu ka Bilaawdaan. A- Z.
kuwa Magacoodu A, ka bilaawdo sida: Axmed, Aadan iyo Aamino, Asli, gala Safka ugu horeeyo ee la dilayo, hanna na sheeganina oo ha Dhihinina waxa la yiraa: yaxye, Yusuf, zahro ama Zaki. ( F.S: 5aad )
(Maxaa Qurbaha, Qabiilo Magacooda Gadaal la mari jiray, La wada sheegtay)
Qore: Yahya Amir