Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay hub farabadan.

Holwgal ay ka sameeyeen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida gobolka Faafan ayaa waxaa la sheegay inay ku soo uruuriyeen hub sharci-darro ah oo mararka qaar Beelaha ay isku adeegsan jireen.

Taliyaha ururka 2aad, guutada 5aad ee Xoogga Ciidanka Gaarka Ah gaashanle-dhexe Daahir Kaamil oo war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in hub sharci-darro ah oo khal-khal-gelinta amniga iyo isku-dilka bulshada loo adeegsanayey ay gacanta ku soo dhigeen.

hubkan oo ahaa mid uu shacabku isku dilayey ayey ciidanku iyaga oo fulinaya awaamiirta taliska sare ee ciidanka ee ahaa in hubka sharci-darrada ah laga uruuriyo bulshada ay ka soo uruuriyeen bulshada degta deegaannada Daakhate, Baabili, Bambaas iyo nawaaxigooda si ayna iyagu isugu adeegsan, kaddib markaan tashi la samaynay odayaasha iyo waxgaradka bulshada ayuu yidhi taliyuhu ay xal noqotay in gabi ahaamba shacabka laga qaado ayuu yiri” Taliyaha.