Ciidamada amniga gobolka Hiiraan oo howlagallo ka sameeyay Baladweyne+Sawirro

Baladweyne:-Ciidamada  kala duwan ee gobolka Hiiraan ayaa howlgallo is-daba jog ah ka wada Xaafadaha magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran, si loo xaqiijiyo amniga goobaha lagu wado inay dhowaan ka qabsoonto doorashada xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya Hirshabeelle.

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Hirshabeelle, Xasan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay inHirshabeelle ay u diyaargarowday marti gelinta doorashada saamiga kuraasta Baarlamaanka heer Federaal ay ku leeyihiin xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS ayaa isna sheegay inay xil ballaaran iska saareen qabsoomidda doorashada, isagoo bulshada ka codsaday inay ku garab istaagaan sugidda amniga.

Saraakiishan isugu jirta Boliiska, Millitariga iyo nabad sugidda ayaa dar-daaran buuxa siisay Ciidamada kala duwan ee loo diyaariyay xaqiijinta ammaanka guud iyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, waxanay fareen inay soo dhoweystaan bulshada si ay xogta ula wadaagaan.