Miskiin Munaafaq ah, ama Mafia ah. Mushaarka Senetorka Aqalka Sare.

Senetorada Aqalka Sare, sida Dastuurku qabo waxa ey Toos u matalaan Maamul Gobaleedyada.
Waxaa soo Xulo Madaxweyne-Governarka, Maamul gobaleedka. kadibna waxaaa ansixiyo Xildhibaanada Maamul Gobaleedka ” Xildhibaan duureed” .
Dhab ahaan waxa ey wakiilo ama Safiiro- Danjirayaal u yihiin Gobalada laga soo diray. Sidii horeba u dhacday Haddii Maamul Gobaleedka iyo Dowladda dhexe ey is qabtaan waa in ey la saftaan Gabalka ey Safiirada u yihiin.
Ceeb ma ahan in aad Tolkaa xaqooda u doodo, Haddii aad tiraa Qabiil ma jiro, waxaad tahay Dambiile ku xad gudbay Dasuurka oo qorayo 4.5. Ogoow 4.5 ma ahan Lacag la tirinayo ama Bariis la cabirayo ee waa qabiilo somaliya. Xilalka iyo Xildhibaanada ayaana lagu qeybsadaa. Adiguna waxaad tahay qabiil ee Xaqiiqda ha inkirin
Soo jeedin.
Tallo Soo Jeedin iyo Runta la xaraar kuwa Xaaraanta lagu koriyo.
Senetoradu waa Xubno, matalaadoodu ey tahay heer Gobal, waa in Mushaarkooda lagu daraa Cashuurta/ Miisaaniyadda Gobaladooda u gaarka ah ee deegaanadooda. waana in ey Mushaarka ka qaataan Gobaldooda ee ma ahan in Mushaarkooda lagu daro Miisaaniyadda Qaranka, ama in laga bixiyo Mushaarkooda Jeebabka Dadka Reer Banadir ( F.S:1,2,3,4, 5aad) oo iyaguba aan leheyn Senetoro.
1. Gobal kasta Dakhigiisa isagaa leh, waxa kaliya ee Dhaqaala ahaan naga dhexeeyo waa inta Saami ahaan ey Gobaldu isku darsadaan ( F.S: 6) ama wixii wadamo kale ama
Ururo Caalamiya ey noogu deeqaan, sidaa daraadeed. Mushaar kasta ee Senetor Qaato ee laga Bixiyo Miisaaniyadda Gobalka Banadir ( F.S: 7) ama mid Qaran si dadban waa Xaaraan, waana in lagula xisaabtamo oo laga soo Matajiyo.
2. Gobalkasta tirada Xildhibaanadooda Baarlamaanka Federaalku waa in ey la ekaato, inta ey la egtahay Saamiga ey ku leedahay Miisaaniyadda Dowlada, sida wadamada Caalmka qaar ka jirto. Qofkaan wax ku darsan Miisaaniyadda, xaq uma leh in laga, Marsuufo ama uu wax ka maamulo Miisaaniyad uuna Shilin ku darsan. sida Hadda ka jirto Wasaaradda Maaliyadda Somalida.Taa oo astaan u noqotay in Dadkii Magaalada loo qeybiyo Labo qeybood oo kala ah: Cashuur Bixiye iyo Cashuur Cune.
3. Tirada Xildhibaanada iyo Senetoradu ,waxa ey ku dhisan yihiin Cadaalad Daro. waxaa lagu qeybiyay Qabiil. Haddana Qabiil Tira ahaan Somalida ka ah 0.1% ayaa ka xildhibaana Badan Qabiil tira ahaan ka ah 20% .
Si jahawareerkaa lagu xaliyo, hala Baabiyo Aqalka Sare. Tirada Xildhibaanada Aqalka hoosena ha loo noqdo Baarlamaankii ugu dambeeyay ee 1969 la Afgambiyay. Ha lagu saleeyo Degamadii wakhtigaa jirtay intii ey leheed oo la Laba laabo. ( Haddii kale waxaa sii soconee, kan Cashuurta ugu Badan bixiyo iyo kan Tirada badan in ey Dhibanayaal noqdaan, Cadaalad Daradaasina ey keento Fantashiruu 2, eyna adkaato in Qaranimo dib loo helo, Nin walboow Gurigaa iyo Gacalkaa Gabaad ka dhigo. Ha inkirin waa halka ey ku furtaan Dowladaha Cadaalad Daradu dilootay, Haddii la iska indha tiro Haddaba Somali land ayaa Socotay ,Laandiyo kalena jidkeey ku soo jiraan, Jajuubna Soco diid.
4. Maqaamka u gaarka ah Mogadisho:
a) Caasimadda 1aad, 2aad iyo 3aad ee Dalka ha lagu wada dhaqo Sharci isku mid ah.
b) Mugadisho waa Caasimadda 1aad. Somaliyeed.
c) Waa Magaala Madaxda Gobalka Banadir.
d) Waa deegaan Si gaar ah Hal Qabiil uu u leeyahay.
Soo jeedinta 4aad Xarafka D ,waa Xaqiiqda ka xanaajinee Maskiinka Munaafaqa ah. waa halka ey iska qaban la’dahay danta Dulmiilaha Qaran ku qaraabtaha ah iyo Qaran u hiiliyaha ka Qadsan Qaniimadii laga qaaday iyo Kheyrkii uu Waalidkii ka dhaxlay.
Ar ila dhageeysta Qeeylada ka soo yeeri doonto, Caayda iyo Cambaareynta , Xaaraan ku naaxyada Xaqiiqda neceb iyo Dhoohana aan ogeyn in Dhaxalkii Aabihii iyo Dheeftii uu shaqeystay aan loo dhadhansiin. kuwa leh, Qabyaaladiiste, Qaran dumiye. waa kuwa ey dhibee cadaaladdu.
Ma waxaa tahay Miskiin Munaafaq ah, Mafia Somalida lagu soo Saliday., Moogaha la marsuufto, Qaran isku sheege ku qaraabto Qeeyla dhaan, Qawda ma qashiiye, Quuqle qaawan.
Xaraar badanaa, Maqaalkaani, Commentiskiino Waxay noqon doonaan:
1.Run sheeg waa Ceeb Sheeg.
2. Dooro Booliya Jiijiile Xalaala ma dhasho.
3. Kaaga kula lihi, keeygana anaa leh.
4. Aqoon yahanoow Xaal qaado.
5. Waa Runtaa ee yaa kaa qaadanayo.
6. Qaran aan isku qariheynaa, ee aan kaa quudano.
7. Caano kii lahaa ka tuugsanyo ayaan Cabeeynaa.
8. mid qiil beena ka dhax raadinayo, Muqdishu lama kala leh, ama Xoogaan ku joogaa, intii leeyga xanjafiyana Xaq aanan leheyn ayaan sheegayaa.
9. Qaran dumisaa tahay ee Dadka Baadidooda maqan ha u bidhaamin.
10. Doqon iigu hiiliyo in aan xaqiisa dafiro weeymaayo.
11. Qoraalka oo dheer maba akhrin.
12. No Comment.
13. Mar kale Run sheeg waa ceeb sheeg.
Nuxurka Commentiyadiinu, waa 13kaa Sare.
“Qaranka aan Cadaalad ku bad baadino” , ama aan ku heshiino in Xoog, Xeelad iyo Xatooyo eyna Soconeyn ee Ninba Xaruntiisii ha u xamaal Doonto.
( Calaamadaha Cadaalad Daradu waa tan Labo qeyb oo Somali ah ey u xuruubi la’yihiin, Jabuuti Jabadkeeda u oodatay, Somali land u socotay.
Halka Gobal ee 5tii ka midka ahaa isaguna kuma sii wada jiri karo Cadaalad Daro. Cashuurta Bixi Anna aan Cuno, Aan ku xakumo Dad iyo Deeqna kuguma Darsan, waa u adkeeyso isticmaar madoow).
Runta Xaraar.
???!!!???!!!???!!!.
Qore: Yahya Amir