Khilaaf weli ka taagan habraacii shalay ay soo saareen guddiga doorashada heer federaal.

War qoraal ah oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga maaliyada doorashooyinka ee ( FEIT)  ayaa looga hadlay habraacyadii doorashooyinka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas ooku socotay  Madaxda wadatashiga qaranka islamarkaana lagu ogeesiiyay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal.

War-qadaan ayaa loogu soo horjeestay habraacyadii ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas oo lagu tilmaamay in aan loo marin wadadii haboonayd islamarkaana aan wax laga ogeyn shaacintooda.

Guddoomiye Cabdi Hiis Udan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in umadda Soomaaliyeed iyo madaxda wadatashiga qaranka uu u caddeenayo in uu beri ka yahay wax allaale wixii caqabado ah ee ka dhasha ama ka abuurma habraacyadaas la baahiyay.

Khilaaf adag ayaa durba hareeyay soo saarista habraaca doorashooyinka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo u dhaxeeya xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal lama oga halka uu ku dambeyn doona khilaafkan soo shaac baxay.